Soomaaliya, Oktoobar 12 2025 — Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed (NISA-KGS) ayaa shaacisay in 12 xubnood oo katirsanaa ururka Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada amniga ee maamulka.
Saraakiisha hay’addu waxay sheegeen in xubnahaan hore ugu shaqayn jireen laamaha kala duwan ee ururka, oo ay ku jiraan qaybaha dagaalka, amniyaadka, ururinta canshuurta sharci darrada ah, iyo qorista xubnaha cusub.
Warbaahinta Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed oo soo xigatay saraakiisha amniga ayaa sheegtay in xubnahaan ay kasoo shaqeeyeen gobollo kala duwan oo dalka ah, islamarkaana ay go’aansadeen inay dib ugu laabtaan nolol rayidnimo.







