Jabuuti, 7 Maarso 2026 (Dawan)– Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa khadka taleefanka kula hadlay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, isagoo kala hadlay xaaladda colaadda gobolka iyo weerarada ay Iiraan la beegsatay goobo ka mid ah dalkaas, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti maalintii Jimcaha.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda amniga ee Gacanka Carabta iyo madax-bannaanida waddamada gobolka, iyagoo ka fiirsanaya saameynta dagaalka socda ee u dhexeeya Iiraan oo dhinac ah iyo Maraykanka, iyo Israa’iil oo dhinac ah.
Intii uu socday wadahadalka, Madaxweyne Geelle waxa uu tilmaamay saamaynta hawlgallada milatari ee soo noqnoqday iyo hababka lagu adkayn karo madax-bannaanida gobolka.








