Soomaaliya, 27 November 2025 – Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi sare oo Maraykan ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada AFRICOM, Dagvin Anderson.
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo saraakiil kale oo ciidan iyo diblomaasiyadeed ah.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada Puntland, kulanka ayaa lagu gorfeeyay hawlgallada socda ee ka dhanka ah dagaallamayaasha Daacish ee buuraha Caalmiskaad, iyo sidoo kale iskaashiga amniga badda ee lagu xoojinayo ilaalinta xeebaha Puntland.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Aadan Cabdi Xaashi, Agaasimaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF), Cabdirabi Cabdisamad, iyo la-taliyeyaal kale.








