Garoowe (Dawan ) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Sabtidii si rasmi ah u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay 25-ka Luulyo ka fuliyeen howlgal ka dhan ah shabakadda Daacishta Soomaaliya, iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya si aysan u abaabulin weerarro halis gelin kara danaha Mareykanka, amniga caalamiga ah, iyo xasilloonida gobolka.
“AFRICOM waxay iyadoo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, 25-ka Luulyo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ka fulisay gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Inkasta oo AFRICOM aysan shaacin bartilmaameedka tooska ah ee weerarka, haddana Puntland ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigeen Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf—oo loo yaqaan Cabdiweli Walalac—kaas oo ay ku tilmaameen madaxa maaliyadda iyo xiriirka dibadda ee Daacish Soomaaliya.







