Soomaaliya, 8 Nofeembar 2025 — Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa ku guuldarreystay inuu qabto fadhigiisii 10aad ee kalfadhiga koowaad, kadib markii uu kooram la’aan u baaqday kulankii la qorsheeyay in la qabto.
Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo xalay loo diray xildhibaannada, fadhigan oo lagu waday in lagu ansixiyo ajandaha guud ee kalfadhiga ayaa lagu qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Laascaanood subaxnimadii Sabtida.
Hase yeeshee, kaliya 20 xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka, halka guud ahaan goluhu ka kooban yahay 83 xildhibaan, taas oo sababtay in baarlamaanku uusan buuxin tirada looga baahan yahay furitaanka fadhiga.








