Soomaaliya, 5 November 2025— Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 28-kii October 2025.$112 milyan oo lagu ballaarinayo barnaamijyada shaqo-abuurka dhallinyarada iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya, iyadoo mashruuca cusub lagu qiyaasayo inay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 738,000 qof.
Mashruuca — oo lagu magacaabo “Dhisidda Fursadaha iyo Natiijooyinka Daryeelka Bulshada iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada” (BOOST-You)ayaa siin doona qoysaska nugul kaalmo lacageed, wuxuu abuuri doonaa fursado shaqo oo dhallinyarada ah, waxaana lagu xoojin doonaa kaalmooyinka waxbarashada iyo caafimaadka.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucu uu abuurayo 28,000 shaqo marka la gaaro 2029, oo ay ku jiraan 16,800 shaqo oo haweenka u gaar ah, isla markaana uu xoojin doono nidaamyada dowladda ee u adeegga bulshada iyo kaydinta xogta qaranka.
“Mashruuca BOOST-You waxa uu caddeyn u yahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha hay’ado adkaysi leh iyo abuurista fursado dhab ah oo dhalinyarada iyo dadka nugul,” ayuu yiri Hideki Matsunaga, Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxa uu ku dhisan yahay guusha barnaamijka dowladda ee Baxnaano, isagoo xoojinaya xiriirka kalsoonida ee u dhexeeya dowladda iyo shacabka,”







