Badweynta Hindiya, 8 Nofeembar 2025 — Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka ATALANTA ayaa badbaadiyey markabka shidaalka siday ee HELLAS APHRODITE, oo wata calanka dalka Malta, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen burcad-badeed ku sugan Badweynta Hindiya.
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ATALANTA Jimcihii ayaa lagu sheegay in 24-ka shaqaale ee markabka saarnaa ay dhammaantood bad qabaan, islamarkaana aan la soo sheegin wax dhaawac ah. Shaqaaluhu waxay ku dhuunteen qolka ammaanka (citadel) ee markabka, halkaas oo ay xiriir toos ah kula lahaayeen ciidamada ATALANTA inta uu howlgalka socday.
“Shaqaalihii markabka saarnaa oo ka koobnaa 24 qof waa bad qabaan, lamana soo sheegin wax dhaawac ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska ATALANTA.
Weerarka burcad-badeedda ayaa dhacay subaxnimadii Khamiista, meel 700 mayl badeed (qiyaastii 1,300 km) u jirta magaalada Muqdisho, sida uu sheegay howlgalka. Markabka dagaalka ee ESPS VICTORIA, oo hoggaaminayay hawlgalka, ayaa adeegsaday helikobtarro, diyaarado aan duuliye wadin (UAV), diyaarado kormeerka badda iyo ciidamo gaar ah, kuwaas oo suurageliyay in burcad-badeedda laga eryo markabka.







