By Asha Elmi
Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xaqiijiyey in safarkiisii ugu dambeeyey ee Kenya uu noqday mid guul leh, isagoo ka hadlay natiijooyinka kasoo baxay booqashadiisa iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.
Madaxweyne Cirro oo ka hadlayey markii uu ku soo laabtay Hargeysa, ayaa sheegay in safarkan uu ahaa mid taariikhi ah, isagoo si diiran loogu soo dhaweeyey madaxda siyaasadda ee Kenya, gaar ahaan Madaxweyne William Ruto, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in safarkii Kenya uu muhiimad weyn u lahaa Somaliland, isagoo xusay in kulankii uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka uu ka mid ahaa kulamadii ugu guulaha badnaa intii uu joogay Nairobi, isaga oo xusay in beesha caalamku ay Somaliland ku bogaadisay nabadaynta ay ka samaysay gobolladii ay colaaduhu ka dhaceen iyo doorashooyinkii ay ku guulesatay qabashadooda.








