Jabuuti – 22 Oktoobar 2025 — Magaalada Jabuuti ayaa si rasmi ah uu uga furmay Talaadadii shirka Guddiga Farsamada ee dhismaha Maamulka Waddada Isku Xirka Jabuuti–Itoobiya–Koonfurta Suudaan–Ugaanda (DESSU Corridor Management Authority).
Shirka, oo socon doona laba maalmood, 21 ilaa 22 Oktoobar, ayaa lagu gorfeeynayaa qodobada kama-dambeysta ah ee heshiiska lagu aas-aasi doono maamulka waddadan, kaas oo hore loogu falanqeeyay magaalada Addis Ababa.
Sida ay sheegtay safaaradda Itoobiya ee Jabuuti, ujeeddada kulanku waa in la soo afjaro faahfaahinta farsamo ka hor inta aan heshiiska loo gudbin Golaha Wasiirrada ee wadajirka ah ee afarta dal. Marka la ansixiyo, maamulka waddadan waxaa si rasmi ah loo dhisi doonaa iyadoo go’aan ay wada gaareen wasiirrada.
Hindisahan, oo ay wadashaqeynayaan afarta wadan ee IGAD, wuxuu ka dhashay heshiis is-afgarad (MoU) oo la saxiixay 27-kii Febraayo 2025, kaas oo lagu xoojinayo isku xirka dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka, iyadoo la dhisayo waddo istaraatiiji ah oo isku xirta afarta dal.









