Jigjiga (Dawan ) – Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ansixisay miisaaniyad dhan 1,397,200,000 Birr (oo u dhiganta ku dhawaad 24.5 milyan oo Doollar) si loogu fuliyo mashaariicda hoos yimaada qorshaha Yoolasha Horumarka Waara (SDGs), sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta DDS.
Ansixinta miisaaniyaddan ayaa lagu go’aamiyey shir ay yeesheen Guddiga Hagidda Mashaariicda SDG-ga, kaas oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka hore, ansixinta qorshaha sannadka soo socda, iyo u qoondeynta dhaqaalaha wajiga xiga ee hirgelinta.
Sida uu sheegay Xafiiska Warfaafinta DDS kulanka ayaa waxaa warbixin dhamaystiran ka soo jeediyay Wasiirka Xafiiska Waraabka DDS, Maxamed Faatax Maxamed, kaasoo soo bandhigay guulihii laga gaaray mashaariicdii SDG-ga ee la fuliyay sanad-maaliyadeedkii Itoobiya ee 2017 T.I., sidoo kalena soo jeediyay qorshaha hawlgalka iyo miisaaniyadda 2018 T.I.
Sida uu sheegay Xafiiska Warfaafinta DDS miisaaniyaddan cusub ayaa loo adeegsan doonaa fulinta mashaariic horumarineed oo ku saabsan helitaanka biyaha nadiifta ah, horumarinta wax soo saarka beeraha, dhismaha kaabayaal dhaqaale, iyo adeegyada nololeed ee bulshada. Mashaariicdani waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa yoolasha horumarineed ee qaranka Itoobiya iyo istiraatiijiyadda horumarinta gobolka.








