By Asha Elmi
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay in la sameeyo wada-tashi dhab ah iyo go'aan wadajir ah si looga jawaabo xaaladaha siyaasadeed ee dalka. Deni, oo ka hadlayey Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa carabka ku adkeeyey in wadatashiyo iyo go’aan wadajir ah ay yihiin kuwo muhiim u ah xaaladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga jawaabey hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, ee ku aaddanaa wada-tashiga dowladda la yeelanyso qeebaha bulshada inay dowadda go’aanka kama dambeysta ah leedahay.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in waqtigan aanay dowladda iyo hay'adaha dowladda ku filnayn inay go'aan ka gaaran arrimaha siyaasadeed iyaga oo aan la tashi la sameynin dhinacyada kale ee dalka. Wuxuu sheegay in wada-hadallo dhab ah ay lagama maarmaan u yihiin xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira.







