Magaalada Dhagaxbuur ayaa si rasmi ah uga faa'iidaysan doonta mashruuca biyo-gelinta cusub, kaasoo loogu talagalay in lagu daboolo baahida biyaha ee magaalada iyo nawaaxigeeda. Mashruucan oo ay ku baxday in ka badan 951 milyan oo birr, ayaa looga soo jiiday ceelasha Tawlane, waxaana si rasmi ah xadhigga uga jaray Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida (DDS), Mudane Mustafe Muxumed Cumar.
Munaasibadda xadhig ka jarka, oo lagu qabtay magaalada Dhagaxbuur, ayuu Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ka sheegay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah, una horseedi doona in bulshada magaalada ay helaan biyo nadiif ah, taas oo ah rajo muddo dheer laga sugayay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in la sii wadi doono qorshayaasha lagu horumarinayo mashaariicda biyaha ee deegaanka si loo daboolo baahida biyaha ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa xusay in markii hore heerka daboolka biyaha ee magaalooyinka uu ahaa 20%, halka maanta laga gaadhay 51%, waxaana la qorsheynayaa in la kordhiyo mashaariicda biyaha si loo daboolo baahida guud ee bulshada.








