Itoobiya, Oktoobar 17, 2025 — Xafiiska Beeraha ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si rasmi ah u bilaabay Mashruuca Baabile–Canod-I ee Waraabka Ceelasha ee Qoraxda ku shaqeeya ee gobolka Faafan, taasoo calaamad u ah talaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxsoosaarka beeraha ee waara ee Gobolka Soomaalida.
Mashruuca waxaa lagu fulinayaa barnaamijka Beeraha la jaan qaadaya Bulshada iyo Isbeddelka Cimilada (PACT), waxaana maalgeliyey Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD). Ujeedada mashruuca waa in la kordhiyo helitaanka biyaha, kor loo qaado waxsoosaarka beeraleyda yaryar, iyo xoojinta la-qabsiga isbeddelka cimilada ee bulshooyinka xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dowlad Degaanka , mashruucu waxaa ka faa’iideysan doona ku dhawaad 1,000 qoys, waxaana fulinaya Xafiiska Beeraha ee deegaanka. Qiimahiisu waa $3.4 milyan (500 milyan oo birr), wuxuuna ka kooban yahay 25 ceel, kanaallo waraab, iyo nidaamyo biyo oo qorax ku shaqeeya, si loo ballaariyo helitaanka biyaha beeraha iyo xoolaha.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in mashruucu dabooli doono ku dhawaad 370 hektar oo dhul beereed marka uu dhamaado, si loo suurtageliyo beerashada sannadka oo dhan, loona yareeyo ku tiirsanaanta roobka. Mashruucu waxaa sidoo kale loo sameeyey in lagu xoojiyo isku-filnaanshaha bulshada isla markaana loo yareeyo ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Munaasabadda dhagax-dhigga oo qabsoontay Khamiistii waxaa ka soo qaybgalay Xalimo Xasan, Wasiirka Haweenka iyo Carruurta; Cabdullahi Maxamed Muuse, Wasiirka Beeraha; ku-xigeenkiisa; Guddoomiyaha Gobolka Fafan; hawl-wadeennada mashruuca, iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka.






