Dooxa, Sebtembar 15 — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii cambaareeyay duqeymaha cirka ee Israa’iil ka fulisay dalka Qatar, isagoo ku tilmaamay “xadgudub sharci caalami ah” isla markaana ku adkeeyay taageerada Soomaaliya ee Qatar iyo Falastiin.
Madaxweynaha ayaa shir-madaxeedka degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka ee ka socda Doha ku sheegay:
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si weyn uga naxsan tahay una cambaareyneysaa duqeymaha cirka ah ee ay Israa’iil 9-kii bishan September ka geysatay deegaan nabdoon oo ku yaalla magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar. Falkani waa xad gudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, madax-banaanida Qatar iyo wadajirka dhuleed, khatar weynna ku ah amniga gobolka, nabadda iyo xasilloonida.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u tacsiyadeeyay dowladda iyo shacabka Qatar, isagoo yiri:
“Waxaan Alle uga baryeynaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacantay waxaanan xaqiijineynaa in Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalaheen Qatar inta lagu guda jiro waqtigan.”
Wuxuu ku baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si degdeg ah uga jawaabo dhacdadan, isagoo digniin u soo jeediyay:








