hargeysa, 28 Nofembar 2025 – Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa ansixiyay Miisaaniyadda 2026 intii lagu guda jiray fadhigooda 43-aad Khamiistii, Hargeysa.
Wadarta guud ee miisaaniyadda 2026 ayaa lagu qiyaasay qiyaastii $424,533,242 USD, taas oo u dhiganta 4.58 tirilyan Shilin Somaliland (SL Sh).
Fadhiga waxaa guddoominayay Madaxweynaha Cabdirraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyadoo 41 wasiir ay kasoo qayb galeen.
Miisaaniyadda loo qoondeeyay Xukumadda Dhexe ayaa gaaraysa qiyaastii $265,362,581 USD, taas oo ka turjumeysa koror 11% marka loo eego miisaaniyadda Xukuumadda Dhexe ee 2025.
Sida lagu sheegay Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo faahfaahinta soo bandhigay Wasiir Abdilaahi Xasan Aadan ayaa sheegtay in saadaasha miisaaniyadda 2026 ay muujinayso koror 22% ah oo dakhliga marka loo eego miisaaniyadda 2024. Kororkan waxaa loogu talagalay in lagu daboolo celcelis ahaan hoos u dhac 11% ah oo miisaaniyadeed oo ka jiray 2022–2024, iyadoo 11% dheeraad ah ay ka timid kororka dakhliga cusub.
Mudnaanta ugu weyn ee dhaqaalaha 2026 waxaa ka mid ah xoojinta adeegyada bulshada, difaaca, amniga, iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.







