Soomaaliya , 04 oktober 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u sheegay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Mareykanka in Soomaaliya diyaar u tahay marxalad cusub oo maalgelin iyo ganacsi ah, isagoo ku dhawaaqay in dalka uu yahay mid u furan ganacsiga” intii lagu guda jiray Madasha Maalgashiga Soomaaliya–Mareykanka ee Muqdisho.
“Soomaaliya hadda ma aha dal lagu garto dhibaatooyinkii hore, balse waa dal lagu garto fursadaha mustaqbalka. Waxaan leenahay aragti, dib-u-habayn, iyo bulsho awood leh,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo ku boorriyay maal-gashadayaasha Maraykanka in ay ka faa’iidaystaan waxa uu ku tilmaamay “suuq furan.”
Madaxweynuhu waxa uu soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo aragtida 2060 oo ah khariidado waqti dheer ah oo loogu talagalay horumarinta dalka.“Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo aragtida 2060 ma aha oo keliya rajooyin; waa qaab-dhismeedyo wax ku ool ah oo mudnaan siinaya koritaanka uu hoggaamiyo ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo iskaashiga caalamiga ah,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh waxa uu xusay in dhammaadka nidaamka deyn cafinta HIPC uu ahaa isbeddel taariikhi ah, kaas oo soo celiyay kalsoonidii maaliyadeed ee caalamka, islamarkaana fure u noqday helitaanka maalgelin caalami ah. “Iyadoo la dhisayo aasaaskan, dowladdaydu waxay dejisay sharciyo saaxiibtinimo leh oo maal-gashiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta maalgashiga, fududeynta diiwaangelinta ganacsiga, iyo nidaam maaliyadeed oo daahfuran,” ayuu ku daray.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay xeebta dheer ee Soomaaliya oo dhan 3,300 km, beeraha, kheyraadka kalluumeysiga, xoolaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo macdanta aan wali la taaban.“Soomaaliya si gaar ah ayay ugu habboon tahay inay noqoto xarun ganacsi iyo maalgashi. Beeraha, kalluunka, tamarta, xoolaha, iyo macdanta aan wali la maalgashan dhammaantood waxay sugayaan maalgelin,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay beeraha, tamarta, ICT-ga, adeegyada gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha inay yihiin kuwa mudnaanta leh.








