Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo qabatay tiro shaqsiyaad ah (lama sheegin tiradooda) oo doonayay in gabar Soomaaliyeed, oo ka timid Laascaanood, si sharci darro ah loogu tahriibiyo dalka Liibiya.
War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in la fashiliyey isku day lagu doonayay in gabadhaasi loogu sameeyo dukumentiyo safar oo been abuur ah si dalka looga tahriibiyo, iyadoo sidoo kale la xusay in qaar ka mid ah shaqsiyaadka la qabtay ay hore ugu lug lahaayeen falal la xiriira tahriibinta dadka.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in baaritaanno iyo hubin ay sameeyeen saraakiisheedu lagu xaqiijiyay in gabadha laga soo tahriibinayay Laascaanood, iyadoo ku wajahnayd Liibiya, oo ka mid ah dalalka ay tahriibayaasha u adeegsadaan marin ay uga sii gudbaan dalalka Yurub, iyagoo sii maraya Badda Mediterranean.







