Jigjiga (Dawan) – Magaalada Jigjiga ayaa shalay si rasmi ah looga daahfuray wejiga labaad ee Mashruuca Horumarinta Nafaqada iyo Amniga Cuntada, kaasoo loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka cuntada iyo nafaqada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Mashruucan ayaa muhiim u ah horumarinta caafimaadka bulshada iyo kor u qaadida heerarka nafaqada ee dadka ku nool deegaanka.
Wasiir ku xigeenka Xafiiska Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdiraxmaan Nuur, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid cusub oo wax ka beddeli doona hab nololeedka bulshada, iyadoo si gaar ah loogu dadaalayo hagaajinta qaab-dhismeedka nidaamka cunnada iyo ka faa’iidaysiga wax-soo-saarka khudaarta ee deegaanka.
“Mashruuca Horumarinta Nafaqada iyo Amniga Cuntada wuxuu bulshada siinayaa bedel weyn, isagoo si gaar ah u xoojinaya ka faa’iidaysiga wax-soo-saarka khudaarta iyo hagaajinta isticmaalka cunnada,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.





