Soomaaliya (Dawan)– Xisbiga Himilo Qaran ayaa Axaddii ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay halis gelisay nolosha xildhibaanno federaal ah, kadib markii diyaarad siday xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ku socday Puntland la sheegay in hawada dib looga soo celiyay.
Xisbiga ayaa cambaareyn kulul ka soo saaray dhacdadan, oo ku saabsaneyd xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo u safrayay deegaan doorashadooda ee Garoowe, caasimadda Puntland.
“Amarka lagu hor istaagay in diyaaraddu ku degto Garoowe waa ficil mas’uuliyad darro ah oo halis geliyay badqabka xildhibaannada iyo muwaadiniinta kale ee saarnaa,” ayuu xisbigu ku yiri bayaan uu soo saaray.
Himilo Qaran ayaa tilmaamay in falkaasi uu xadgudub ku yahay qodobka 21-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, kaasoo dammaanad qaadaya xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo deggenaanshaha muwaadiniinta gudaha dalka.






