Soomaaliya, (Dawan) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa xaqiijisay in dhammaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay u socdaan si caadi ah, iyadoo meesha ka saartay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in jadwalka duulimaadyadu isbeddel ku yimid.
Bayaanka hay’addu wuxuu caddeeyay in duulimaadyadii maanta, 2-da Maarso 2026, ay sidii loo qorsheeyay u socdaan, isla markaana aysan jirin wax carqalad ah oo saameyn ku yeeshay diyaaradaha ka baxaya ama imanaya garoomada dalka.
Hay'adda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ka warqabin wax isbeddel ah oo saameynaya jadwalka duulimaadyada, iyadoo xustay in dhammaan adeegyada duulista rayidka ay si joogto ah uga socdaan garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya.







