Muqdisho (Dawan) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa taageeray tallaabada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ee uu ku magacaabay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed uu xisbiga soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in dhismaha iyo hirgelinta hay’adaha doorashooyinka ee dowlad goboleedyadu ay ka mid yihiin awoodaha ay u leeyihiin maamulidda arrimahooda doorasho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xalay magacaabay guddiga doorashada maamulkaas, xilli uu khilaaf siyaasadeed oo xooggan ka taagan yahay deegaannada dowlad goboleedka.
