Jabuuti (Dawan) – Dhallinyarada magaalada Mouloud ee gobolka Diqil ayaa bilaabay olole wacyigelin bulsho oo lagu dhiirrigelinayo qaadashada kaararka codbixinta, gaar ahaan dhallinyarada markii ugu horreysay codeynaya, si ay ugu diyaar garoobaan ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Jabuuti.
Dhallinyaradan is abaabushay ayaa sheegay inay kordhiyeen wacyigelinta iyo taageerada bulshada, iyagoo ka shaqeynaya fududeynta helitaanka kaararka codbixinta iyo ka gudbidda caqabadaha maamulka iyo farsamo ee jira.
“Ujeeddadu waa in qof kasta uu si buuxda u isticmaalo xaqiisa codbixineed,” ayay sheegeen dhallinyarada ololaha wada, iyagoo xusay in ka qeybgalka shacabka uu muhiim u yahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed.
