Uganda, 20 Janaayo 2026 (Dawan) – Xiisadda siyaasadeed ee Uganda ayaa cirka isku shareertay kaddib markii Taliyaha Ciidamada Difaaca dalkaas, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, uu si cad ugu gooddiyay hoggaamiyaha mucaaradka Robert Kyagulanyi Ssentamu, oo loo yaqaanno Bobi Wine, inuu isku soo dhiibo ciidamada ammaanka muddo 48 saacadood gudahood ah.
Qoraallo taxane ah oo uu Jeneraal Muhoozi ku baahiyay baraha bulshada, gaar ahaan barta X, fiidnimadii Isniinta, ayuu ku sheegay inuu Bobi Wine siinayo “48 saac oo kaliya ” si uu isugu soo dhiibo booliska, isagoo ku hanjabay in haddii uu amarkaasi diido, in loola dhaqmi doono sida “dambiile baxsad ah ama fallaago”.
“Waxaan siinayaa 48 saac oo dhammeystiran inuu isku soo dhiibo. Haddii uusan sameyn, waxaan ula dhaqmi doonnaa sida dambiile ama fallaago, tallaabana waan ka qaadi doonnaa,” ayuu yiri Jeneraalka, oo ah wiilka madaxweynaha talada haya Yoweri Museveni.
Isla qoraalladaas, ayuu Taliyaha Ciidanka Uganda ku qiray in ciidamada ammaanka ay dileen 22 xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee National Unity Platform, isagoo sheegay inuu jeclaa lahaa in qofka 23-aad uu noqdo Bobi Wine.
Hadalladan ayaa durba dhaliyay carro ballaaran, iyadoo dad badan ay u arkeen inay muujinayaan cadaadis siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, gaar ahaan marka ay ka imanayaan taliye ciidan oo si dhow xiriir ula leh madaxtooyada.
Dhankiisa, Bobi Wine ayaa si cad u diiday digniintaas, isagoo ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay weerareen gurigiisa isla markaana khatar geliyeen nolosha qoyskiisa. Farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray meel aan la ogayan, ayuu ku sheegay in habeenkii la jaray korontada lana demiyay kamaradaha ammaanka ka hor inta aan gurigiisa la gelin.






