Soomaaliya, 10 Maarso 2026 (Dawan)– Shirkadda ugu weyn ee bixisa adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya, Hormuud Telecom, ayaa ku deeqday $700,000 si loo taageero dadaallada bini’aadantinimo ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaaraha daran ee ka jira gobollo dhowr ah oo dalka ka tirsan.
Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo biyo nadiif ah, cunto iyo adeegyo kale oo muhiim u ah dadka nugul.
“Annaga oo gudanayna waajibka naga saaran samatabixinta bulshadeenna, ayaan ugu deeqnay $700,000 doollar dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira gobollada dalka, si ay u helaan biyo, cunto iyo adeegyada aasaasiga ah ee nolosha,” ayay shirkaddu ku tiri qoraal ay soo saartay caawa oo Talaado ah.








