Jigjiga (Dawan) – Natiijooyinka imtixaanka 12aad ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shalay la shaaciyey ayaa waxaa baasay wax ka yar 500 oo arday iyada iyada oo ay imxitaanka u fariisatay in badan 16 kun.
Sanadkaan ardaydi gashay imtixaanka waxaa baasay kaliya 3 boqolkiiba, iyada oo korortay 76 boqolkiiba sanadki hore.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Waxbarashada, sanadkii 2016 (taariikhda Itoobiya), 22,683 arday ayaa fariistay imtixaanka, 263-na ayaa ka gudbay, taasoo u dhiganta 1.2 boqolkiiba. Sanadkii 2017, 462 arday ayaa ka gudbay 16,779 arday oo fariistay imtixaanka, taasoo keenaysa heer guul dhan 3 boqolkiiba, koror dhan 76 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore.
Maamulka dowlad deegaanka ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay in ay wax badan ka badali doonaan heerka ardayda ee imtixaanka qaran ee Itoobiya u fariisata.