Jigjiga, Itoobiya – Maanta waxaa si rasmi ah uga bilaawday Dowlad Deegaanka Soomaalida(DDS) Imtixaanka Fasalka 8aad ee shaadiga ah, iyadoo in ka badan 35,000 oo arday ay u fadhiisteen imtixaankan.
Sida ay sheegtay DDS imtixaankaan ayaa ka dhici doona 112 xarumood oo ka tirsan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDS.







