Muqdisho, Soomaaliya - Maanta waxaa si rasmi ah gobollada Koonfurta, Bartamaha, iyo deegaannada SSC-Khaatumo uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada sare Soomaaliya kaas oo ay u fariisteen in ka badan 39,000 oo arday oo ka kala yimid 39 magaalo oo dalka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah uga daahfuray imtixaanka dugsiga Shiikh Suufi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula hadlay ardayda imtixaanka u fariisanaysa, isagoo ku dhiirrigeliyay dadaalka iyo aqoonta ay u baahan yihiin mustaqbalka dalka.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sheegtay in imtixaanka lagu qabanayo 140 xarumood, oo 64 ka mid ah ku yaallaan caasimadda Muqdisho. Waxaa maamulka iyo kormeerka imtixaanka loo xil saaray ku dhowaad 3,000 oo shaqaale ah, halka 2,000 oo askari oo Booliiska Soomaaliya ka tirsan loo adeegsaday sugidda amniga iyo nidaaminta goobaha imtixaanka.
Gaadiidka cirka ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika (ATMIS) ayaa door muuqda ka qaatay gaarsiinta imtixaanka si nabad ah loogu gaarsiiyo dhammaan xarumaha imtixaanka ee dalka, gaar ahaan meelaha fog-fog ee xasilloonida liidatay.
Deegaannada SSC-Khaatumo oo sanadkii labaad ka qeyb qaadanaya imtixaanka, ayaa imtixaanku si habsami leh uga furmay magaalooyin ay ka mid yihiin Laascaanood iyo Buuhoodle.










