Hargeysa (Dawan) – 40,749 oo arday ayaa maanta u fariistay imtixaannada sanad dugsiyeedka 2024-2025 ee Somaliland. Imtixaannadani, oo ay ka qeeb galayaan arday heerarka kala duwan ee waxbarashada ah, waxaa si rasmi ah ugu furay magalaada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdillaahi Irro.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku boorriyey inay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan imtixaannada isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, 15,696 arday ayaa u fariistay imtixaannada dugsiga sare (Fasalka 12-aad), halka 24,836 arday ay u fariisteen imtixaannada dugsiga dhexe (Fasalka 8-aad). Sidoo kale, 217 arday ayaa ah Farsamada Gacanta.
Imtixaannadani ayaa ka dhacaya 304 goobood oo ku kala yaal 6-da gobol ee Somaliland sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada.







