Jabuuti (Dawan) - Jabuuti ayaa 17-kii Juun 2025 shaacisay inay ku natiijooyinka rasmiga ah ee Tirakoobka Saddexaad ee Guud ee Dadka iyo Guryaha (RGPH-3), oo hab digitaal ah, taas oo muujineysa tallaabo weyn oo horumarineed ee ku saabsan casriyeynta maamulka dalka.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Jabuuti, tirakoobkan ayaa xaqiijiyey in tirada dadka Jabuuti ee 2024 ay tahay 1,066,809 qof, iyadoo la adeegsanayo hab digitaal ah, taas oo waafaqsan xogtii horay ay usoo saaray Jabuuti ee xog-ururinta ku salaysnaa warqadaha.
Tirakoobka 2024 waxaa lagu sameeyey iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyad casri ah, taas oo keentay isbedel weyn marka loo eego habka hore ee xog-ururinta ee ku salaysnaa warqadaha. Tirakoobkan waxaa la isticmaalay tablet-yo dijitaal ah, qalab geo-referencing ah, iyo nidaamyo xaqiijiya saxnaanta xogta waqtiga dhabta ah, taas oo si weyn u kordhisay saxnaanta xogta iyo yareysay waqtiga loogu talagalay xaqiijinta iyo farsamaynta xogta.








