Djibouti, 5 Oktoobar 2025 (Dawan) – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Dhaqanka Djibouti ayaa soo qaban qaabisay kulan aqoon isweydaarsi ah oo lagu qiimeynayay horumarinta hal abuurka dhaqanka iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Munaasabaddan ayaa ka dhacday xarunta Kaydka Qaran ee degmada Balbala, waxaana ka qeyb galay wasiirrada dhallinyarada iyo dhaqanka, Hibo Muumin Casowe, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda, Ilyaas Muuse Daawaleh, xubno ka socday hay'adaha Qaramada Midoobay, sida UNESCO, iyo hay'adaha kale ee ku lug leh taageerada shaqo abuurka Jabuuti.
Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay farshaxan dhaqameed ay diyaariyeen dhalinyarada Djibouti, iyadoo lagu muujiyay awoodda farshaxanka iyo hal abuurka dhaqanka ee dhalinyarada iyo saamaynta ay ku leeyihiin abuurista fursado shaqo iyo horumarinta dhaqanka.
Aqoon isweydaarsigan ayaa sidoo kale waxa uu ujeedkiisu ahaa in lagu soo bandhigo natiijooyinka daraasado istaraatiiji ah oo lagu falanqeynayo awoodda hal abuurka dhaqanka iyo sida ay dhalinyaradu uga qayb qaadan karaan horumarinta fursadaha shaqo abuurka ee dalka.








