Jabuuti(Dawan) - Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah uga codsatay $150 milyan oo doollar Sanduuqa Horumarinta Shiinaha-Afrika (CADFund), si loogu taageero mashruuc ballaaran oo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha ah, kaas oo lagu xoojinayo isku xirka ganacsiga iyo isdhexgalka goboleed.
Codsigan ayaa la gudbiyay intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo qabsoomay 12-ka Juunyo 2025, kaasoo dhexmaray Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) iyo wafdi ka socday Bangiga Horumarinta Shiinaha iyo Sanduuqa CADFund.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti ay ku baahisay barta X (horey u ahaan jirtay Twitter), guddoomiyuhu wuxuu codsaday in la maalgeliyo mashruuca tareenka Nagad–Damerjog, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira dekedaha waaweyn ee Jabuuti iyo aagagga warshadaha ee sii kobcaya.
Marka laga soo tago maalgelinta tareenka, Jabuuti waxay sidoo kale raadinaysaa maalgelin dheeraad ah oo lagu dhisayo laba dekedood oo qalalan — mid ku taalla Nagad, oo dabooli doonta dhul dhan 200 hektar, iyo mid kale oo laga hirgelin doono Indode — kuwaasoo loogu talagalay in lagu ballaariyo awoodda dalka ee xagga kaydinta iyo maaraynta xamuulka.







