New York (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa mar kale adkeysay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada buuxda ee ay u hayso dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taas oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Abdulqaadir Xuseen Cumar, oo khudbad ka jeediyey shir lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York Taladadii.
Wasiirku waxa uu sheegay in xalka kaliya ee macquulka ah uu yahay labo-dowladood oo siman, taasoo horseedaysa xal waara oo waafaqsan sharciga caalamiga ah. Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Faransiiska iyo Boqortooyada Sacuudiga, ayaa isugu keenay in ka badan 120 dal iyo hay’ado caalami ah, ujeeddadiisuna tahay in dib loo soo nooleeyo dadaallada siyaasadeed ee lagu xallinayo khilaafka Bariga Dhexe.
“Jabuuti waxay si buuxda u taageertaa dhismaha dowlad Falastiini ah oo leh madax-bannaani, sharaf iyo xuduud cad, sida uu marwalba amray Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ismaaciil Cumar Geelle,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.







