Jowhar (Dawan) – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa magaalada Jowhar ka furay Arbacadii tababar afar maalmood socon doona oo loogu talagalay shaqaalaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ku sugan deegaanada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka tooska ah ee qof iyo cod ah ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka.
Cabdi Cadow oo ah xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, ayaa si rasmi ah u furay tababarka, isagoo ku booriyay ka qeybgalayaasha in ay xil weyn iska saaraan shaqadooda. "Waxaad qayb ka tihiin nidaamkii dib u qaabeyn lahaa dimuqraadiyadda Soomaaliya," ayuu yiri, isagoo xusay muhiimadda shaqadooda ee dhismaha hannaanka doorashooyinka.






