Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa beeniyay eedeymaha lagu xiriirinayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Al-Shabaab
Muqdisho (Dawan ) 29 March 2026 Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu xiriirinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo ku tilmaantay kuwa aan sal lahayn isla markaana wax u dhimaya midnimada qaranka.
Lataliyaha Amniga Qaranka, Aways Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in eedeymaha sheegaya in Madaxweynaha uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab ama uu taageero ay yihiin “been abuur iyo masuuliyad darro.”
Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay hoggaaminayso dagaal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana la gaaray guulo muuqda oo ay ka mid yihiin dib u qabsashada deegaanno badan iyo wiiqidda awoodda kooxda.
“Diiwaannadu waxay muujinayaan in si nidaamsan loo bartilmaameedsaday loona burburiyay ilihii dhaqaale ee Al-Shabaab,” ayuu yiri lataliyaha, isagoo xusay in kooxda ay wajahayso guuldarradii ugu adkayd taariikhdeeda.


