TRIPOLI (Dawan) – Ciidamada ammaanka Liibiya ayaa howlgal ka fuliyay magaalada Tripoli ku soo badbaadiyey 62 muhaajiriin oo ay haysteen koox muqallasiin ah, kuwaas oo ay ku jireen Soomaali ay qoyskiisu horey u bixiyeen madax-furasho sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Khamiistii, howlgalka waxaa fuliyay Waaxda Macluumaadka iyo Baarista ee Agaasinka Tripoli, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun ku taalla xaafadda Tagoura – Al-Naeam.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka la soo badbaadiyeyay ka soo jeedeen dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Eritrea iyo Liberia, waxaana ku jiray siddeed haween ah iyo ilmo 20 maalmood dhallan. Muhaajiriinta ayaa lagu hayay xarunta si qoysaskooda looga qaato lacag madax-furasho ah.
Sida ay sheegtay Wasaradda Waxaa dadka la soo badbaadiyey ka mid ahaa Jaamac Maxamed Somal, muwaadin Soomaaliyeed oo qoyskiisu u siiyeen kooxaha tahriibka lacag dhan €17,000, oo qiyaastii ah ($18,530), balse wali lagu sii hayay xarunta ilaa inta ciidamada ay ku soo furteen howlgalka.







