Soomaaliya, 23 September 2025 – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay wado qorshe ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo saraakiishiisa dacwado ugu furi lahaayeen maxkamadaha gudaha iyo kuwa caalamka, iyaga oo ku eedeeyay tacadiyo xuquuqda aadanaha ah.
War-saxaafadeed ay ka soo saareen shir ay Isniintii Muqdisho ku yeesheen ayay ku sheegeen in ay hadda ku howlan yihiin sidii madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ay maxkamada gudaha iyo dibadda ugu dacweyn lahaayeen, iyaga oo sheegay in in xadgudubyadaasi yihiin kuwo u baahan in cadaaladda loo helo taasna ay ku dhici karto in Xasan la maxkamadeeyo.
“Madasha Samatabixinta Qaranka oo leh xildhibaano siyaasiyiin mucaarad ah iyo ururrada bulshada rayidka ah waxa ay ku hawlan yihiin in dacwado sharci ah laga furo maxkamadaha dalka iyo caalamka si loo dhegeysto dambiyada culus iyo tacadiyada xuquuqul insaanka ee Madaxweynaha iyo Saraakiisha ku caanbaxay tacadiyada.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka
Madasha ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqday in ay abaabulaan banaanbaxyo ka dhaca gudaha iyo dibadda, iyaga oo aan sheegin sababta bulshada ay u banana baxeyso, balse waxa ay sheegeen in banaanbaxa uu yahay xaq sharci ah oo difaacu nafsi ah.
Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo garab ka mid ah Madasha samata bixinta ay horay heshiisyo ula galeen Mdaxtooyada, iyaga oo ku heshiiyay qaabka doorashada soo socoto ay u dhaceyso, iyada oo garabka kale ay wali ay saluugsan yihiin hanaanka ay xukuumadda hadda jirto wax u maamuleyso.