By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa Saluugnsan gogosha wadatashiga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juun 2025.
War-saxaafadeed ay soo saartay Madashu maanta, ayaa lagu sheegay in Madasha ay dalbaneyso in gosgosha 15 june ay ka soo qayb-galaan madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo dhan.
Madasha Samatabixinta waxay ku andacoonaysaa in kulammada Madaxweynuhu qabanayo 15-ka iyo 22-ka Juun aysan wax xal ah u keeneynin dalka, ayna sii xumeyn doonaan khilaafka iyo kala aaminbaxa siyaasadeed ee jira.
"Madasha waxay u aragtaa in kulammada u Madaxweynuhu qabanayo 15-ka iyo 22-ka bishaan ay yihiin kuwo taageero ugu raadinaya jidkii hore ee sababay khilaafaadka iyo kala aaminbaxa. Tallaabadaasina waxay dhaawacaysaa niyad wanaagga ay Madashu ku qaabishay gogosha," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha.







