By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin mucaaradka soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeysay ku dhawaaqista Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku saabsan furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada ee qorshuhu yahay in lagu qabto magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.
Madashu waxay adkaysay muhiimadda wadahadal dhab ah oo ays hegtay in looga hortagi karo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo caqabadaha amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee dalka ka taagan.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageereysaa gogosha wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15ka Juun 2025,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay madasha.








