Baydhabo ,13Nofeembar 2025— Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaannada hoos yimaada degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweyne Laftagareen oo manata ka hadlay muqal lagu bahiye madaxtooyada konfur galbeed ee Baydhabo ayaa sheegay in wixii dhacay toddobadii malmood ee laso dhafay ay ahaayeen fal foolxun oo aan la aqbali karin, isagoo ku baaqay in degdeg loo joojiyo colaadda, loona soo celiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada deegaanka.
“Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro dadka ku nool degmada Wala-weyn iyo agagaarkeeda, oo dhacdo aad u foolxun ka dhacday muddo toddobo maalmood laga joogo,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.






