Soomaaliya, 26 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu weli yahay “mid aan dhamaystirnayn,” isaga oo tilmaamay arrimo maamul iyo farsamo oo wali taagan tan iyo markii ay ku dhawaaqeen gooni isu taggooda 1991-kii.
Isagoo ka hadlayay Carwada iyo Shir-weynaha 7-aad ee Teknoolajiyadda Somaliland oo shalay ka furmay Hargeysa, Madaxweyne Cirro wuxuu faahfaahiyay arrimaha aan weli la xallin, kuwaas oo ay ka mid yihiin: baasaboorka, saamiga Xajka, furaha isgaarsiinta, iyo maamulka hawada.
“In kasta oo aan Soomaaliya kala gurannay 18 May 1991, Laakiin haddana weli waxbaa iskaga sii keen jira. u baahan sidii loo dhameystiri lahaa kala gurashada — sida baasaboorkii hore, saamiga Xajka, furaha telefoonada, iyo maamulka hawada,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu ammaanay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Somaliland oo uu sheegay in uu dadaal ku bixinayo in Somaliland si buuxda ula wareegto maamulka hawadeeda, isaga oo muujiyay rajo ah in howshaasi dhawaan la dhammaystiri doono.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa siyaasadda guud ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. Bishii Sebteembar 9, 2025, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Somaliland waxay mar kale xaqiijisay in ay sii wadi doonto nidaamka fiisaha lagu bixiyo marka la yimaado Somaliland, iyada oo diiday nidaamka cusub ee e-Visa ee ay soo rogtay Soomaaliya.







