Qatar, 6 December 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii gaaray dalka Qatar si uu uga qayb-galo Madasha Dooxa, halkaas oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaal caalami ah iyo siyaasiyiin si ay uga wada hadlaan amniga, arrimaha siyaasadda iyo iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Hamad International Airport kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar.
Ka qeybgalka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee madasha ayaa Villa Somalia ay ku tilmaantay “fursad wanaagsan oo muujinaysa muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.”
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani iyo madax kale oo sare si ay uga wada hadlaan xasilloonida gobolka iyo ajandaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya. Madasha sanadkan oo 6 illaa 8 soconaysa ayaa oo looga hadli doono arrimaha khilaafaadka gobolka, dhaqaalaha caalamiga ah, iyo istiraatiijiyadda amniga.








