Soomaaliya, 29 September 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgeliyaann ciidanka qaranka, cutubyo ciidan badeed ahna ay shaqeynayaan iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyad casri ah, taas oo qayb ka noqonaysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana astaan u ah marxalad cusub oo muhiim ah oo ku saabsan kala guurka amniga dalka.
Madaxweynaha oo ka hadlay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in dowladdu qaybta ugu badan ee miisaaniyadda ay u qoondeysay amniga, isla markaana maalgelin xooggan ku samaysay tababarka iyo qalabeynta ciidamada.
“Maanta wiilal Soomaaliyeed ayaa wada diyaaradaha qumaatiga u kaca ee aynu kula dagaallano Khawaarijta. Waxaan hawlgelinnay ciidankeenna badda, waxayna isticmaalaan teknoolojiyadda casri ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa si gaar ah ugu ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka doorka ay ka qaateen dagaalka Al-Shabaab iyo ka qabsashada deegaanada istiraatiijiga ah oo ay hore u maamulayeen.“Ammaan gaar ah waxaa mudan geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa difaaca deegaanka oo naf iyo maalba u huray in ay dalkeenna xoreeyaan,” ayuu ku daray.







