Muqdisho (Dawan) – Madaxweynha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo kulankaasi ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa Mucaaradka ku matalyey Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble,iyo Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyeyaaal hore oo Baarlamaanka ah iyo Masuuliyiin kale oo dowladda xilal ka soo qabtay.
Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiye mucaarad ah kana mid ah Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed kaas oo uu hadda ku sugan dalka Mareykanka.
Dhanka dowladda, kulanka waxaa ku matalayey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Xooosh.








