Muqdisho, 21 Janaayo 2026 (Dawan) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu Khamiista u safro magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeyb galayo munaasabadda dabaal-degga sanad-guurada 90-aad ee aasaaska Ciidanka Cirka Itoobiya, taas oo ka socon doonta dalkaas 23 ilaa 27-ka Janaayo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhow labada madaxtooyo, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa yeelan doona kulan laba geesood ah.
Ajandayaasha la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah suurtagalnimada in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu dhexdhexaadiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed, kaddib go’aankii ay Soomaaliya ku saabsanaa ka bixitaanka joogitaanka milatari ee Imaaraadka iyo burinta dhammaan heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee labada dal.






