Soomaaliya, 7 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ganacsatada Soomaaliyeed ku booriyay in qeyb ka mid ah faa’iidadooda ay u maalgeliyan hay’adaha cilmi-baarista qaranka, si loo xoojiyo waxbarashada iyo cilmi-baarista dalka.
Madaxweynaha oo ka qeyb galay shirka Ururka Bulshada Bariga Afrika ee 2025, oo maanta ka furmay Muqdisho, ayaa sheegay in ganacsatada ay muhiim tahay inay ka qeyb qaataan horumarinta cilmi-baarista iyo aqoonta gudaha dalka.
“Ganacsatadu waa inay qeyb ka mid ah faa’iidadooda u gooyaan hay’adaha cilmibaarista caamka ah ee dadka ka dhaxeeya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.








