Kenya,17 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi subaxnimadii Jimcaha si uu uga qayb galo baroor-diiqda loo sameynayo Raysul wasaaruhii hore ee Kenya ee geeriyooday, Raila Odinga, kaas oo todabaadkaan geeriyooday, islamarkaana ay tacsiyeenayaan madaxda iyo shacabka dalal badan oo Afrika ah.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, ka hor inta uusan u gudbin goobta rasmiga ah ee baroor-diiqda ka socoto caasimadda Nairobi.
Farriin tacsi ah oo ka soo baxday Villa Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay Raila Odinga inuu ahaa “hoggaamiye aragti dheer leh oo noloshiisa u huray dimuqraadiyadda, caddaaladda, iyo midnimada shacabka Afrika.”







