Soomaaliya, Maarso 8, 2026 (Dawan)– Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa amar ku bixisay in la joojiyo kordhinta qiimaha badeecadaha daruuriga ah, iyadoo uga digtay ganacsatada inay ka faa’iideystaan xiisadaha caalamiga ah ee ka dhashay dagaalka Bariga Dhexe.
Wareegto soo baxday Sabtidii, ayaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug ku mamnuucday in ganacsiyadu kordhiyaan qiimaha badeecadaha horey u soo maray kastamka ee yaalla suuqyada Galmudug. Tallaabadan ayaa timid xilli gobolku ka cabsi qabo saamaynta dhaqaale ee ka dhalan karta xasillooni darrada ka jirta Bariga Dhexe.
“Wasaaradda waxay ka walwalsan tahay colaadda ka dhacday Bariga Dhexe waxayna ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqeysaa inay si dhow ula socdaan isbeddelka dhaqaale ee caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal uu saxiixay Wasiir Keyse Cabdi Jaamac.








