WASHINGTON (Dawan ) –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeymo guul leh oo ay ka fuliyeen saddex goobood oo muhiim ah oo Nukliyeerka Iran ah. Duqeymahan oo looga dan leeyahay in wax looga qabto awoodaha Nukliyeerka ee Iran, ayaa loo arkaa mid sii xumaanaya colaadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iran. Duqeymaha ayaa lala beegsaday xarumaha Nukliyeerka ee Fordow, Natanz, iyo Esfahan, kuwaas oo muhiim u ah barnaamijka kobcinta Yuraaniyaamka Iran.
Trump ayaa shaaca ka qaaday in "buux bambaanooyin ah" lagu soo tuuray xarunta Nukliyeerka ee Fordow, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu adag ee Iran ee dhulka hoostiisa, looguna talagalay inay ka hortagto duqeymaha caadiga ah. Weeraro dheeraad ah ayaa lagu qaaday Natanz iyo Esfahan. "Diyaaraduhu waxay si ammaan ah ugu sii socdaan gurigooda. Hambalyo ciidankeena weyn ee Maraykanka. Ma jiro ciidamo kale oo adduunka ah oo sameyn kara waxan," ayuu Trump ku sheegay qoraal uu ku soo dhigay baraha bulshada.
Iran ayaa sheegtay in ay faarujiyeen goobihii ay ku sugnaayeen ka hor inta aysan duqeynta dhicin, Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ku dhawaaqay xarumaha tayeynta nukliyeerka "gebi ahaanba la tirtiray."







