Jabuuti, 11 Maarso 2026 (Dawan) – Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa hakisay ballamihii caadiga ahaa ee qunsuliyadda, waxayna yareysay tirada shaqaalaha ka shaqeynaya xaunta safaaradda, kadib markii ay sheegtay in ay jirto xiisad iyo hanjabaado ka dhan ah danaha Mareykanka.
Digniin amni oo soo baxday maalintii Talaadada ayaa safaaraddu kula talisay shaqaalaha Mareykanka iyo muwaadiniintaba inay ka fogaadaan agagaarka xarunta diblomaasiyadda iyo Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ugu weyn ee hawlgallada milateri ee Mareykanka ku leeyahay Afrika.
“Ma jirto mudnaan ka sarreysa badbaadada iyo amniga muwaadiniinta Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda, iyadoo soo xiganeysa hoggaanka Madaxweyne Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Rubio.
In kasta oo adeegyadii caadiga ahaa la hakiyay, haddana safaaraddu waxay sheegtay inay weli sii wadi doonto bixinta adeegyada degdegga ah ee muwaadiniinta Mareykanka.







