Tanzania, 21 Noofambar 2025 — Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika (EACJ) ayaa soo saartay amar ku-meel-gaar ah oo lagu joojinayo dhaarin-gelinta iyo ka qeebgalka sagaalka xubnood ee uu Soomaaliya u dooratay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA), illaa iyo inta la dhageysanayo dacwad ka dhan ah hufnaanta doorashadooda.
Sida Maxkamadda ay sheegtay dacwaddan oo ay gudbiyeen saddex muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku doodaysa in hannaan-kii bishii Oktoobar 2025 lagu soo xulay wakiillada Soomaaliya u joogi doona EALA uu jebiyay Qodobka 50-aad ee Axdiga Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo faraya in doorashooyinku ahaadaan kuwo hufan, tartan furan leh, oo si dhab ah u matala bulshada.
Dacwad-oogayaasha ayaa ku eedeeyay in habkaas uu si buuxda ugu gacan-gashay xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), isla markaana uu u xagliyey kooxo yar oo ka tirsan beelaha u dhow hoggaanka siyaasadda dalka.
Go’aanka maxkamadda oo soo baxay 21 Noofambar 2025, ayaa lagu xusay in dacwadda lagu soo gudbiyay iyadoo aan weli la dhaarin, taas oo ka dhigaysa in ay maxkamaddu awood sharci u leedahay inay baarto ka hor fariisinta xubnaha.
Garsoorayaashu waxay ka digeen in haddii xubnaha la dhaariyo ka hor inta aan dacwadda la dhammeystirin ay taasi dhaawac aan la sixi karin u geysan karto sumcadda iyo sharcinimada Baarlamaanka EALA.
Ruling-ku wuxuu si cad u sheegay:








